Ma is weydiisay sababta mararka qaarkood ay maskaxdaada ugu soo dhacaan xusuuso hore adigoo qabanaya shaqooyin iska caadi ah, sida weel dhaqidda ama adigoo lugaynayaba?
Cilmi-baaris cusub ayaa sheegaysa in tani aysan ahayn wax iska dhaca, balse ay tahay natiijada waxa aad maskaxdaada ku haysid.
1. Inaad wax ku mashquusho (Preoccupation)
Cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in haddii aad hal shay si joogto ah uga fikirto afka qalaad lagu dhaho(repetitive thinking), maskaxdaadu ay isku diyaarinayso inay soo celiso xusuusihii hore ee la xiriiray shaygaas. Arrintan waxaa loo bixiyay Preoccupation Priming (In maskaxda loo sii diyaariyo mawduuca ay ku mashquulsan tahay).
Tusaale ahaan, haddii aad maanta oo dhan ka fikiraysid "cunto" (malaha inaad gaajaysan tay ama aad cuntada iska yareynayso awgeed), maskaxdaadu waxay si kedis ah kuu soo xasuusinaysaa munaasabado hore oo aad cunto macaan ku soo cuntay. Adiga oo aan u yeerin xusuustaas, laakiin maskaxdaada ayaa soo saartay, waayo mawduucaas ayaad ku mashquulsanayd.
2. Xusuusta aan loo yeerin (Involuntary Memories)
Xusuusta noocan ah waxaa loo yaqaannaa Involuntary Memories (Xusuus aan ku talogal ahayn). Waa kuwa iska soo dhaca iyadoo aadan isku deyin inaad wax xasuusato. Cilmi-baaristan waxay caddaysay in xusuustaas ay daba socoto waxa fikirkaaga hadda ka socda.
"Xusuustaadu waxay raacdaa raadka fikirkaaga iyo macluumaadka aad habaynayso," ayuu yiri Prof. John H. Mace, oo ah khabiir ku takhasusay cilmi nafsiga (psychology).
3. Saameynta ay noloshaada ku leedahay
Tani waxay inoo sheegaysaa in wax kasta oo aan mar kasta ka fikirno (sida welwelka, qof aan jecelnahay, ama dhibaato naga haysata shaqada) ay xoojiyaan xusuusaha la xiriira. Haddii aad mar kasta ka fikirto wax xun, maskaxdaadu waxay si joogto ah kuu soo hordhigaysaa xusuuso kale oo xun oo hore kuu soo maray.
Arrintan waxaa loo loogu yeeraa Collateral Priming (Xusuus kale oo hareeraha ka dhow oo soo kacaysa). Tusaale ahaan, haddii aad xasuusato saaxiib kaaga mar hore isku kiin dambaysay, waxaa laga yaabaa inay maskaxdaadu kugu soo celiso xusuustii dugsigii aad wada dhigan jirteen, xataa haddii aadan dugsigaas ka fikirinba.
Maxaan ka baran karnaa?
- Beddel Fikirkaaga: Haddii aad rabto inaad ka fogaato xusuus xanuun badan, isku day fadlan, inaad ka weeciso, aad ka leexiso maskaxdaada fikirka soo noqnoqda ee kugu keenaya xusuustaas, haddaad soo xasuusato isla markiiba ka noqo fekerkaas
- Xusuusta Nolosha: Xusuustaada ku saabsan noloshaada gaarka ah (autobiographical memory) ma aha mid ku kaydsan meel fog, ee waa mid had iyo jeer diyaar u ah inay soo baxdo haddii aad u muujiso inaad mawduucaas xiisaynayso.
- Kordhinta Hal-abuurka: Haddii aad rabto inaad wax cusub hal abuurto, ku mashquul mawduucaas uun. Maskaxdaada ayaaba waxay si kedis ah kuu soo siin doontaa xusuuso iyo fikrado hore oo kaa caawin kara shaqadaada hadda.
- Xakamaynta Maskaxda ("Mind-Wandering"): Markaad qabanayso hawlaha caadiga ah lagu dhaho afka qalaad (Mundane Activities), maskaxdaadu way wareegtaa. Haddii aad dareento in xusuus xun kugu soo dhacayso, is weydii: "Maxaan hadda ka hor ku mashquulsanaa?”
Gunaanad
Maskaxdaadu waa saaxiib ku dhagaysanaya. Haddii aad maanta ku mashquusho khayr iyo wanaag, waxay kuu soo saari doontaa xusuuso hore oo kugu dhiirrigeliya wamaaggaas. Haddii aad ku mashquusho taas lidkeedsna, waxay kuu soo celin doontaa maskaxdaada wixii hore ee ku xanuun joojiyey.
Back to Articles